Galmudug Oo Guddi U Magacaawday Xareynta Maleeshiyaad Lagu Wareejiyay

0

Wasiirka Wasaaradda amniga dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa Maanta magacaabay Guddiga qaban-qaabada xareynta Ciidamada Daraawiishta Galmudug ee lagu tababarayo xerada 4-aad ee Dhabbad.

Wareegto kasoo baxay Xafiiska Wasiir Axmed Fiqi ayaa lagu magacaabay Guddiga xareynta Ciidanka oo ka kooban 14-xubnood, waxaana Guddoomiye looga dhigay Axmed Maxamed Faarax, halka Guddoomiye laga dhigay Khadar Axmed Ciise.

Guddiga ayaa faray soo qiimeynta iyo dhameystirka baahiyaha ka jira xerada tababarka 4-aad ee Dhabbad iyo soo xareynta Ciidamada iyo gaadiidka nooca dagaalka ee Tiknikada, iyadoo la raacayo habraaca Wasaaradda amniga ay dejisay.

Ugu dambeyn Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa kula dardar-may Guddiga uu magacaabay inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday Guddiga oo ah xareynta Ciidamada Maleeshiyaadka ee lagu wareejiyay Galmudug.