Xaalada Caafimaad C.raxmaan Cirro oo laga Helay Cudurka Koroona

0

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in maanta laga helay xannuunka Koronavirus.

Cirro ayaa tilmaamay in uu galayo karaantiilka muddada xannuunka uu jirka qofka laga helo ku jirayo, inkasta oo uusan soo bandhigin haddii uu dareemayo xannuun iyo sababta keentay in laga baaro cudurka laga helay.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa tilmaamay in muddada 7-da cishe ah ee uu galayo karaankiilka (Dad ka fogaanta) in uu daryeelayo isla markaana uu la soconayo Xaaladdiisa Caafimaad.

“Waxa la iga helay COVID-19 baaris kadib, waxaan gali doonaa toddoba maalmood oo is karantiil ah. Mana lihi hadda wax calaamado oo halis ah, Caafimaadkeygu wuu wanaagsan yahay, waxaana uga mahad-naqayaa Allah, Alxamdulilah calaa-kuli-xaal”.

Sida dhaqaatiirta caafimaadka ku taliyeen, marka qof laga helo xannuunka waxaa la baaraa dadkii ugu dambeeyay ee uu la kulmay, si jirkooda looga baaro cudurka oo ay suuragal tahay in ay qaadeen (uu ku dhacay).

Deegaannada Somaliland waxaa ka diiwaangashay kiisas kala duwan, inkasta oo la qaaday dhammaan Xayiraadii bilooyin kahor lagu soo rogay ee la sheegay in looga fogaanayo faafitaanka xanuunka Covid-19.