Masaajidda magaalooyin ku yaalla dalka Faransiiska oo la xiray

0

Dawladda Faransiiska ayaa amar ku bixisey in albaabada loo laabo Inta badan masaajidda ku yaalla dalka  Faransiiska gaar ahaan magaalada Caasimada ah ee Paris iyo magaalooyiinka kale ee kuyaalla dalkaasi.

Dawladda Faransiiska ayaa arrintan waxa ay ku soo koobtay in ay tahay, mid u dhaqan geli doonta si  ku meel gaar ah, inkasta oo aysan faahfaahin intaasi ka badan sheegin.

Waxaa dalkan ka dhacay banaan bax looga soo horjeeday nin Bare ahaa kaas, oo sameeyay sawir uu ugu gefay Nebigeenna Muxammed (NNKH), kaas oo ka cadheysiiyay Muslimiinta dunida dhan.

Waxaa sidoo kale jirta xaalad bandow ah oo uu ku soo rogay madaxweynaha dalkaasi guud ahanba dalka Faransiiska.