Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Wasiirada Cusub Ee Xukuumadda

0

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Golaha Wasiirada magacaaban ee Xukuumadda ee uu soo dhisay Ra’iisul Wasaaradda Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka oo ah midkii ugu horreeyay uu Madaxweyne Farmaajo la qaato Golaha Wasiirada xalay lagu dhawaaqay ayaa waxaa uu ahaa mid salaan iyo Is-barasho ah.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Ra’iisul Wasaare Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh, doorka muuqda ee uu ka siiyey dhallinyarada, haweenka iyo sida uu xoogga u saarayo sii amba-qaadidda guulihii horumarineed ee dalku uu gaaray sanadihii la soo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, si loo dardar geliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Xukuumadda, loona gaarsiiyo dalka doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoonta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga rajeeyey Golaha Xukuumadda ee la magacaabay in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee hortaalla, kana yeelo Gole si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeega shacabka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirada magacaaban ee Xukuumadda ayaa ka kooban 27 Wasiir, waxaana la filayaa in Codka kalsoonida ah ay u qaadan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka, si loo ansixiyo.