Wiil Dhalinyaro ah oo Qoorta ka Jaray nin Macalin ah oo ku Gefay Nebi Maxamed NNKH

0

Nin la sheegay in uu ahaa Macalin ayaa dhintay kadib markii madaxa looga jaray banaanka magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska. Dacwad oogayaasha howlgalka la dagaalanka argagixisada ee Faransiiska ayaa kiiskan baaraya. Ninka lagu tuhunsan yahay inuu falka gaystay oo ahaa nin 18 jir ayay boolisku toogteen. Habeenkii Sabtida, ayaa boolisku qabteen ilaa afar qof oo kiiskan lala xiriirinaayo.

Dhacdadan ayaa dhacday qiyaastii Shantii galabnimo ee maalintii jimcada meel u dhow iskuul ku yaal xaafada Conflans Sainte-Honorine ee waqooyi galbeed ee Paris.

Ninka lagu tuhunsan yahay inuu falka geystay, oo sida ay sheegtay warbaahinta Faransiisku ahaa 18 sano jir, ayaa boolisku isku dayeen in ay qabtaan laakiin waxa uu booliska ugu hajnabey midndi Booliska ayaa toogtay wuuna dhintay.

Dambiga waxaa loo baarayaa inuu yahay “dil lala xiriirinayo urur argagixiso”, sida ay sheegtay waaxda la dagaalanka argagixisada ee dacwad oogaha Faransiiska.

Sida lagu sheegay warbixino aan la hubin oo loo diray Jariidada Le Parisien, macalinka qoorta laga jaray ayaa dhawaan cashar ku soo qaatey xorriyadda hadalka wuxuuna ardeyda u soo bandhigey sawir gacmeed (Kartoon) uu sheegay in laga sameeyey nebi Muxamed (NNKH).

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron wuxuu booqdey Conflans Sainte-Honorine oo ahayd halka arrintaani ka dhacday. Wuxuu ku tilmaamay dhacdada inay ahayd mid lagu soo qaaday xorriyatul qowlka.

“Dalka oo dhan ayaa ka dambeeya macallimiintiisa. Argagixisada ma kala qaybin doono Faransiiska, cadaawada waxbarashada iyo fikirka xorta ah ma guuleysan doonaan. “ Emmanuel Macron

Habeenkii Sabtida, waxaa la qabtay afar qof oo mid ka mid da¨diisu yarayd. Waxay qaraabo la yihiin eedaysanaha, oo asal ahaan ka soo jeeda gobolka Shiishaan ee dalka Ruushanka.