Raysal wasaare Rooble oo Madaxda Maamulada u diray Warqad , kadib markii ay Balanta ka baxeen

0

Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhambaal Xasuusin ah u diray Madaxda maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Waxaa laga Codsaday madaxda maamulada inay soo gudbiyaan Magacyada Xubnaha maamulada ku meteli doona gudiga doorashooyinka, sida uu dhigayey Heshiiskii lagu gaadhay Muqdisho.

Waxaana la dhaafay wakhtigii laga sugayey in maamul kasta uu soo magacaabo 2-Xubnood oo kamid noqon doona Gudiga Doorashada iyo Gudiga Xalinta Khilaafaadka.

Raysal wasaare Rooble madaxda maamulada ayuu ka codsaday inay Xubnahan kusoo xulaan si waafaqsan Shuruucda dalka iyo Habraaca lagu Heshiiyey, iyadoo la tix gelinayo Jadwalka Doorashada.

Waxaa madaxda maamulada laga codsaday inay ugu dambayn soo gudbinayaan 20-ka Bishan aynu ku jirno.

Warqadda loo diray maamulada waxaa sidoo kale laga codsaday inay soo gudbiyaan magacyadda (8) Xubnood oo kamid noqon doona Gudiga maamulka Doorashooyinka, ugu dambayn 20-ka Oktoobar si loogu soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee JFS.

Soomaaliya ayaa waxay gelaysaa Marxalad doorasho, waxaana sidoo kale Bilowday Olole ay wadaan Musharixiinta kala duwan ee Damacu uga Jiro Hogaanka dalka.