Turkiga Oo Awooddiisa Millateri Si Lama Filaan Ah U Hormarinaya

0

Dowladda Turkiga ayey u suuragashay inay qaab kale ku hesho diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee duqeymaha fuliya, kuwaasoo uu horay Mareykanka uga mamnuucay inuu ka iibiyo.

Qaabka ay Ankara ku sameysatay diyaaradahan ayaa ah mid lama filaan ah kaddib markii ay ka faa’iideysteen tiknoolojiyad lagu farsameeyay waddanka UK, taasoo ujeeddo kale laga lahaa.

Gantaallo markii ugu horreysay lagu hindisay Ingiriiska ayaa Turkiga u sahlay inay sare u qaadaan awooddooda dhinaca tiknoolojiyadda, iyadoo hadda khubarada ay ka digayaan khatarta ka dhalan karta arrintaas.

Caawinaaddaas muhiimka ah oo ka timid warshad hubka lagu sameeyo oo ku taalla magaalada Brigton ayaa horseedday in Turkiga uu noqdo waddanka Labaad ee ugu weyn adduunka dhinaca adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida uu shaaciyay wargeyska The Guardian.

Ankara waxay sidoo kale iskeed ugu biirtay waddamo uu Mareykanka siiyay diyaaradaha noocaas ah oo loogu talagalay “dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada”.

Diyaaradahan uusan duuliyaha saarneyd – oo Turkiga uu ku magacaabay Bayraktar TB2 – waxaa ilaa hadda loo adeegsaday howlgallo waaweyn oo ka dhan ah kooxaha ay Kurdiyiinta hoggaamiyaan ee ku sugan Suuriya. Howlgalladaas mid ka mid ah waxaa ku dhintay 449 ruux.