Mas’uul Ka Tirsan Puntland Oo Qarax Loogu Xiray Gaarigiisa

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa ku warramaya in uu qarax ka dhacay Magaalasaasi, waxaana jugta qarax si weyn looga maqlay Xaafadaha ay ka Kooban tahay Gaalkacyo.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in Gaarigiisa loogu xiray Gudoomiyaha maxkamada racfaanka Gobolka mudug ee Puntland maxmuud cismaan aadan, waxaana la sheegay in uu ka bad-baaday guddoomiyuhu qaraxa la doonayay in lagu dilo, kaasi oo gaarigiisa loogu xiray.

Qarax ka dib ayaa waxaa Ciidaanka ammaanka waxa ay sameeyeen Howlgal iyo baaritaan ku aaddan qaraxa Miinada ah ee lagu xiray gaariga Guddoomiyaha.