Puntland oo hadashay shaqaaqo ka dhacay deegaanka Burtinle

0

Wasiirka Aramaha gudaha ee maamulka Puntland Maxamed Cabdi raxmaan Dhabancad oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in xal waara laga gaaray shaqaaqo maalmo ka hor ka dhacay deegaanka Burtinle ee gobolka Nugaal.

Wasiirka ayaa sheegay in la sameyn doono baaritaano ku aadan cidii ka dambeysay dhibaatadii ka dhacday deegaanka Burtinle, islamarkaana maxkamad la horgeyn doono.

Deegaanka Burtinle ayaa waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeyay labo maleeshiyo beeleed.