Taliye Mahad C/Raxmaan Oo Amar Dul-Dhigay Ciidanka Asluubta Dowladda

0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Maanta kormeer guud ku sameeyay dhismayaal ka socda Taliska guud iyo sida ay uga howlgalaan Ciidanka Asluubta ee sugaya amniga xarunta.

Taliye Janaraal Mahad C/raxmaan ayaa warbixin ka dhageystay qaar kamid ah saraakiisha ciidanka Asluubta,  isagoona sidoo Saraakiisha kala hadlay arrimo kala duwan.

Janaraal Mahad C/raxmaan Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo la hadlay cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta ayaa ku amaanay ciidanka shaqada ay hayaan, isagoo sidoo kalena ku amray in la adkeeyo ammaanka xabsiyada si looga hortago fal dambiyeedyo ka dhaca.

Taliska Ciidanka Asluubta soomaaliyeed ayaa wada dadaallo dib u habeyn iyo balaarin loogu sameynayo xabsiyda dalka, waxaana kormeerka Maanta uu sameeyay ku wehlinaayay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta.