Madaxwaynaha Maraykanka oo Sheegay inuu Ciidankiisa Kala baxayo Gudaha Soomaaliya

0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa wada qorshihiisi ugu dambeeyay ee uu Ciidamadda Mareykanka kaga soo saarayo dalal ay Soomaaliya ku jirto.

Trump ayaa u sheegay  la-taliyeyaashiisa sarre in uu doonayo in Ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya sida uu ku waramay Wargeyska Bloomberg.

Ciidamadda Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya oo lagu qiyaaso tiradooda 650 illaa 800 askari, ayaa tageero xoog leh siiya Ciidamadda Soomaaliya iyaga oo ka tageera dhinacyada tababarada iyo howlgalada culus ee ka dhaca Soomaaliya marka ay u mareyn waayaan Ciidamada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay tallaabadan wuxuu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay taageerada Mareykanka.

Donald Trump ayaa qorsheynaya in uu Ciidamada Mareykanka kasoo saaro Ciraaq, Afghanistan iyo Soomaaliya, wuxuuna tallaabadan ku doonayaa inuu ku helo tageerayaal badan madaama markii hore uu olalihiisa ku galay inuu Ciidamadda Mareykanka ee dalalka caalamka ku sugan kusoo celin doono dalkooda.