FBI-Da Mareykanka Oo Fashilisay Qorshe Lagu Afduuban Lahaa Guddoomiye Gobol

0

Hay’adda danbi baarista dowladda Mareykanka ee FBI ayaa Khamiistii lasoo dhaafay ku dhawaaqday in ay ka hortagtay qorshe afduub loo geysan lahaa Guddoomiyaha Gobolka Michigan ee Mareykanka.

13 Ruux oo ah maleeshiyo hubeysan oo ka soo horjeedda dowladda ayaa isku dayay inay afduubtan Guddoomiye  Gretchen Whitmer oo sida muuqata ka carooday tallaabooyinka xannibaadaha lagula tacaalayo coronavirus ee ay soo rogtay siyaasiyaddan ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga.

“Shirqoolkan lagu afduubi lahaa Guddoomiyaha Michigan Gretchen Whitmer gurigeeda fasaxa, ka dibna loo kexeeyn lahaa goob aan la ogeyn si loogu maxkamadeeyo khiyaano qaran ayaa hoosta ka xariiqaysa halista sii kordhaysa ee kooxaha garabka midig ka hor doorashada madaxtinimada ee 3-da November, waxaana sidaas sheegay khubaro.

Qorshaha lagu fashiliyay afduubkii loo geysan lahaa Guddoomiyaha Gobolka Michigan ayaa lama filaan ku noqday qaar kamid ah dadka u kuur gala siyaasadda Mareykanka, waxaana uu kusoo aadayaa, iyadoona loolanka Doorashada dalkaas uu marayo meel adeg.