Akhriso:-Jadwalka Doorashada Maamulka Hirshabeelle Oo La Shaaciyay

0

Guddiga farsamada ee soo xulista Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hirshabeelle ayaa soo saaray Jadwalka soo xulista Xildhibaanada iyo geedi socodka Doorashada Maamulkaas.

Qoraal kasoo baxay Guddiga farsamada ayaa waxaa lagu sheegay in soo xuslista Xildhibaanada Cusub ee Hirshabeelle ay bilaabaneyso 21-ka bishaan Octoober 2020 ayna ku egtahay 25-ka isla bishaan.

Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada Cusub ayaa la qorsheeyay inya dhaceyso 31-ka bishaan Octoober, waxaan kulanka koowaad ee Baarlamaanka uu  dhici doonaa 1-da bisha soo socota ee November.

Ugu dambeyn Guddiga farsamada ayaa shaaciyay in Doorashada Guddoonka Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ay dhici doonto inta u dhexeeysa 5-ta bisha November ilaa 10-ka bishaas.