Kumaandooska Somalia oo dagaal kula wareegay deegaano ka tirsan Jubbada Hoose

0

Ciidamo ka tirsan kumaandooska Soomaaliya ayaa weerar ay ku qaadeen Al-shabaab waxaa ay kala wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanada ay ciidamada dagaalka kula wareegeen ayaa waxaa ka mid ah Katiin, Bernasey, Warabole, cusbo,  Xawaljiri oo dhamaantooda hoostaga  Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiil ka tirsan kumaandooska Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay ku dagaalka, islamarkaana kuwa kale ay nolasha ku qabteen.

War qoraal oo ah ay soo saareen saraakiisha danab ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in Al-shabaab ay dadka lacago kaga qaadi jireen deegaanadan ,islamarkaana shacabka ay dhibaatooyin ay kala kulmi jireen Al-shabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.