Duulimaadyada Muqdisho iyo Kampala oo dib u bilowday

0

Maanta ayaa waxaa garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ka soo cago dhigatay diyaaradda Uganda Airlines taas oo ka dhigan in duulimaadkeeda Muqdisho ilaa iyi Kampala uu dib u bilowday ka dib markii cudurka safmarka ah  COVID -19 uu dilaacay, isla markaana saameeyay socdaalka.

Shirkadda Uganda Airlines waxay sameeyn doontaa saddex maalmood oo ah duulimaadyadii caadiga ahaa ee Soomaaliya iyo Uganda oo istaagay bishii Maarso ee sanadkii 2020-kii markuu uu dillaacay safmarka Fayruska corona.

Uganda Airlines ayaa sameeyo doonta duulimaadyadeeda Muqdisho iyo Kampala maalmaha Axadda Talaadada iyo Khamiista.