Al-Shabaab oo xalay weeraray mid ka mid ah Koontaroolada Afgooye

0

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weeraray mid ka mid ah koontaroolada ay ku sugan yihiin Ciidanka dowladda, gaar ahaan Buundada Yar.

Iska hor imaad kooban ayaa xalay dhex maray Ciidanka dowladda iyo kuwa Al-Shabaab, waxaana labada dhinac isku weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka Al-Shabaab, isla markaana aanay jirin wax khasaare ah oo dhankooda ka soo gaaray.

Ciidamada dowladda ayaa saaka howlgal ka wada qeybo ka mid ah degmada Afgooye, gaar ahaan goobaha ay weerarka ka soo qaadeen Al-Shabaab.

Degmada Afgooye oo Muqdisho u jirta qiyaastii 30KM ayaa waxaa dhowr jeer oo hore soo weeraray Al-Shabaab, waxaana muddooyinkii u dambeeyay ciidamada amniga kordhiyeen koontaroolada laga galo degmada.