Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay duleedka Leego

0

Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Hoose, gaar ahaan tuulooyin u dhaw deegaanka Leego ayaa sheegaya in howlgal ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka samneeyeen halkaas lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Howlgalkaas ayaa waxaa fuliyey ciidamo ka tirsan kumaandooska Soomaaliya, waxaana la sheegay in lagu dilay sarkaal iyo dagaalameyaal kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Howlaglka ayaa si gaar ah uga dhacay laba deegaan oo lagu kala magacaabo Sahan-Weyn iyo Sahan-Yarey oo u dhaw Leego, waxaana la sheegay intii uu halkaas ka socday iska hor imaadku inuu geeriyooday qof shacab ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka.