Galmudug oo shaacisay kiisas Cusub oo Cudurka Coronavirus ah

0

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaacisay in degaannada Maamulkaas markale uu kusoo laba kacleeyay cudurka samareenka ah ee Coronavirus, isla markaana kiisas kamid ah laga helay gobolka Mudug.

Iskuduwaha Wasaarada Caafimaadka Galmudug ee  Gobolka Mudug Cabdi Maxamed Xersi ayaa sheegay in baaritaan la sameeyay ilaa iyo hadda la diiwangeliyay halkiis.

Waxaa uu sheegay in Maanta oo arbaco ah Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ay faah faahin rasmi ah ka bixin doono xaaladihii u dambeeyay ee Cudurka COVID-19 ee degaannada Galmudug.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in bilihii la soo dhaafay ay aad u yaraatay hadal-heynta ku saabsan Cudurka Coronavirus, isla markaana bulshada Soomaaliyeed aysan muujineyn wax dadaal looga hortagaayo ah.

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa 26-kii Bishaan waxaa ay shaacisay 146 kiis oo Cudurka Coronavirus ah, kuwaas oo kala jooga, Soomaaliland 63 ruux iyo Puntland 83 qof, waxaana guud ahaan kiisaska ay Wasaaradda Caafimaadka diiwaangelisay ay gaarayaan 3,588.