Taliye Odawaa Oo Ka Hadlay Howlgal Lagu Dilay Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab

0

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Leego ee Gobolka Shabellada Hoose.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/guuto Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Idaacadda Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay In Ciidamada DANAB ay xalay Saqdii dhaxe ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Leego.

S/guuto Odowaa Yuusuf Raage waxa uu tilmaamay in howlgalka lagu dilay ku dhawaad 7 ka tirsan Al-shabaab ,kuwaasi oo dadka ku dhaqan leego ka qaadi jiray lacago, waa sida uu hadalka u dhigay.

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa dhowr jeer weeraro qorsheysan oo qaarkood lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, halka Al-shabaab ay weeraro kala duwan iyaguna ka geysteen Gobolkaas.