Taliska Booliska Galmudug Oo Fariin U Diray Shacabka Guriceel

0

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Galmudug ayaa xalay howlgalo ka sameeyay xaafaddo ka tirsan Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo kamid ah magaalooyinka ugu amniga wanaagsan Maamulkaas.

Ciidanka amniga ayaa baaritaano kala duwan ku sameeyanayay inta uu socday howlgalka gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isticmaalayay waddooyinka, sidoo kalena baarayay goobaha Ganacsiga qaarkood

Taliyaha Booliska Magaalada Dhuusamareeb oo ku sugan Gueiceel Dhamme Nuur Cilmi Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ujeedka howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinaya amniga Magaalada.

Sidoo kale Taliyaha Booliska ayaa shacabka ku dhaqan Guriceel ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortego wax kasta oo horseedi kara falal amni darro oo dhaca.

Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa kamid ah magaalooyinka ugu amiga wanaagsan deegaanada Maamulka Galmudug, waxaana halkaas ku sugan Ciidamo kala duwan oo ka shaqeeya sugida amniga.