Xayiraadaha cusub ee Covid-19 oo ka dhaqan gali la’ caasimadda Spain

0

Dowladda Spain ayaa ka codsanayso masuuliyiinta magaalada caasimadda ah ee Madrid, in ay si buuxda u dhaqan galiyaan xayiraadaha cusub ee lasoo rogay si looga hor tago faafida xanuunka Covid-19.

Wasiirka Caafimaadka ee wadanka Spain oo hadlayay ayaa sheegay in wali aysan sidii larabay u dhaqan galin xayiraadihiii lasoo rogay.

Maalmo kahor ayaa magaalada Madrid waxaa ka dhacay dibad baxyo xoogan oo looga soo horjeedo xayiraadaha cusub ee magalaadaasi lagu soo rogay.

Wadanka Spain ayaa kamid ah dhawr wadan oo ku yaalo qaaradda Yurub kuwaas uu kusoo laba kacleeyay Fayraska Covid-19.