DAAWO:- Muuse Biixi oo Jawaab ka bixiyey Hadalkii kasoo yeedhay Madaxwayne Farmaajo

0

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka  jawaabay hadal uu xalay madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka sheegay dood ku saabsaneyd arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka

Madaxweyne Farmaajo oo hadal ka jeedinayey doodadaasi ayaa sheegay in Somaliland aysan go’in karin, islamarkaana ay midnimada Soomaaliya tahay mid muqadas ah.

Muuse Biixi Cabdi oo isna u jawaabayey Farmaajo ayaa yidhi “Shantii Soomaaliyeed inay midoobaan reer Somaliland kow bay ka yihiin, laakiin Caqliga siyaasiyiinta Xamar jooga iyo 5 madaxeyne ma yahay kii Soomaali isu keeni lahaa?.”

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) uu isaga uu yahay qofka wax ka socon la’yihiin, sida uu hadalka u dhigay. “Farmaajo waxa aan leeyahay ha tilmaamin midnimo waadigii taababka u jaraye”. ayuu sii raaciyey Madaxweynaha Somaliland.

Si kastaba ha’ahaatee hadallladan kulul ee ay dhanka warbaahinta isku mariyeen labada madaxweyne ayaa ku soo aaday, xilli dhowaan wada-hadallada labada dhinac ay dib uga billowdeen dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Shirkii Muqdisho iyo Go’aanadii kasoo baxay ayuu dhaliilay Muuse Biixi, isagoo ka hor yimid in Xildhibaanada Somaliland lagu doorto Muqdisho.

Waxaa sidoo kale Qayb ka ahayd Go’aanadii kasoo baxay Shirkaasi inaan Hadalo Xanaf leh Warbaahinta labad  dhinac isku marin.