Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland Oo Tababar U Soo Xiray Ciidamo Cusub

0

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Maanta oo sabti ah tababar ugu soo xiray Xerada Xorgoble ee Degmada Qardho cutubyo ka tirsan ciidamada Booliiska.

Axmed Karaash ayaa sheegay in Tababarka Ciidanka Booliiska ee loo  xiray uu qayb weyn ka qaadanayo sugida Amniga deegaanada Maamuka Puntland iyo la dagaalanka Mukhaadaraadka.

“Waxaan kula dardaarmayaa ciidanka tababarku u dhamaaday inay waajibaadkooda u gutaan si hufan oo ay u dhimriyaan shacabka ay u adeegayaan iyaga oo u maraya wadada saxda ah” ayuu yiri Axmed Karaash.

Ugu dambeyn Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sheegay in ka Xukuumad ahaan ay ka go’an tahay qalabaynta, tayeynta iyo tababarka guud ahaan Ciidamada Puntland, isagoona Guul baan u rajayay dhamaan ciidamada qalabka sida.