Mareykanka oo qorsheynaya in gudaha Kenya uu ka fuliyo duqeymaha Al-Shabaab

0

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa Kenya culeys ku saaraya sidii ay u fuliyaan weerarada diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee drones-ka oo lala beegsado dagaalamayasha Al-Shabaab ee qaybo ka mid ah bariga Kenya ku dhuumaaleysta.

Afhayeenka guud ee taliska Maraykanka Col. Christopher P. Karns ayaa sheegay inay garwaaqsan yihiin baahida loo qabo in cadaadis caalami ah oo joogto ah la saaro Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay muhiim tahay in lala socdo dhaq-dhaqaaqyada guud ee Al-Shabaab, iyadoo si firfircoon looga hor tegayo is-faafintooda.

Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ogolaatay in duqeymaha laga fulin karo aagaga u dhexeeya Garissa iyo Lamu, oo isku xira saldhiga ciidamada cirka ee Manda-Bay iyo gobollada dhaca xadka ay Soomaaliya la wadaagto Kenya.

Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta ayaa bishii Febraayo ee sanadkan booqasho ku tegay Aqalka Cad ee dalka Mareykanka, waxaana la sheegay inuu ka codsaday Madaxweyne Trump in laga caawiyo la dagaalanka Al-Shabaab, gaar ahaan dhanka cirka.