Guddoomiye Mursal Oo Kulan La Yeeshay Madaxweyne Waare Iyo Lafta-Gareen

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulan la qaatay Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, marxalada kala guurka, arrimaha Doorashooyinka dalka ka dhacaya dhammaadka sanadkaan.

Guddoomiye Mursal ayaa Madaxweyneyaasha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Koonfur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uga mahadceliyay dadaalkooda ku aadan ka qeyb qaadashada sidii  dalka uga dhici laheyd Doorasho xor ah.

Waare iyo Lafta-gareen ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka waday Magaalada Muqdisho kulamo siyaasadeed oo ay la qaadayeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, siyaasiyiin, Madaxweyneyaashii hore ee dalka iyo xubno kale.

Labada Madaxweyne ayaa kulamo kale la qaatay Madaxweyneyaasha Galmudug, Puntland iyo Jubbaland, iyagoo ka wada hadlay siyaasadeed xaaladda dalka iyo xiriirka u dhexeeya maamuladooda.