Faah-Faahin:-Toogasho Ka Dhacday Suuqa Bakaaraha

0

Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya haweeney saaka lagu toogtay Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho.

Falkaan ayaa ka dhacay Afafka Hore ee Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil, waxaana haweeneyda la toogtay ay kamid aheyd Shaqaalaha Shirkadda gaar ahaan kuwa Nadaafadda.

Waxaa la sheegay in ragg hubeysnaa ay toogteen xili ay garaacaysay Iridda shirkadda Dahabshiil,waxaana goobta laga qaaday iyadoo dhaawac ah.

Dhanka kale Ilaa haatan lama oga cida ka dambeysay falkaan.