Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Gobolka Bakool

0

Wararka aan ka helayno deegaan ka tirsan Gobolka Bakool ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay uu dhacay qarax xoogan oo Khasaaro geystay.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu qabsaday Mooto Bajaaj ay saarnaayeen dad shacab ah, xili ay marayeen deegaan 25 u jira degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in qaraxaas uu ahaa mid xoogan, isla markaana uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee saarnaa Mootada iyo dad kale oo goobta ka Agdhawaa.

Inta la xaqiijiyay 6 ruux ayaa ku geeriyooday qaraxaas ka dhacay Bakool, halka 2 qof kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka waxyeelada gaartay gurmad u sameeyay dadka deegaanka, iyagoo dhaawacyada loolal cararay xarun Caafimaad.