DAAWO:-Ciidamada Booliska oo Shaaciyey dadka Loo Xidhay Xamdi Maxamed oo la diley

0

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay in 11 ruux oo lagu eedeynayo kufsigii iyo dilkii allaha u naxariistee Xamdi Maxamed Faarax loo xirey baaritaana uu ku socdo.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay waddaan baaritaano ku aadan falkaasi waxana uu ka codsaday shacabka inay kala shaqeeyaan ciidamada sidii lagu soo qaban lahaa dad kale oo ku lug leh kiiskan.

“Illaa 11 ruux ayaa hadda gacanta booliska ku jira waxaana lagu hayaa baaritaan sidoo kale waxaan ku dabajoognaa dad kale oo la tuhmao inay ku lug leeyihiin dilkii iyo kufsigii lagula kacay Xamdi Maxamed Faarax.” ayuu yidhi afayeenka ciidanka booliska oo maanta weriyaasha la hadlay.

Allaha u naxariistee Xamdi Maxamed Faarax ayaa ka mid ahayd ardayda sanadkan ka qalin-jibeyey dugsiyada sare ee magaalada Muqdisho ayaa toddobaadkan lagu diley lagana soo tuuray daar lix dabaq ah oo ku taal degmada Waaberi magaalada Muqdisho.