Mid Ka Mid Ah Rag La Sheegay In Kufsi Iyo Dil Ay U Geysteen Gabar Oo Qirtay

0

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidanka Booliska Soomaaliya ay hayaan mid ka mid ah rag kufsi iyo dil ugu  geysatay Magaalada muqdisho Gabar Ardayad ahayd oo Qiraal ah.

Waxaa la sheegay in falkaas dilka iyo kufsiga ah loo soo qabtay tiro dhallinyaro ah, balse waxaa wararku sheegayaan in ay Boolisku hayaan Mid ka mid ah raggii lagu soo eedeyay kufsiga iyo dilka oo qiraal ah.

Eedeysanayaasha ayaa la sheegay in Xabsiga la dhigay, uuna baaaritaan ku socday, waxaana wararku intaas ku darayaan in uu wali wali socdo baaritaan dheer oo lagu sameynayo raggii loo soo qab-qabtay falkii naxdinta lahaa ee muqdisho ka dhacay maalmo ka hor.

Falka kufsiga ah ayaa ka dhacay Xaafadda Maajo ee Degmada Waaberi, waxaana Gabdha kufsaday dhalinyaro dhowr ah, kuwaasi oo mid kamid ah gabdha markii hore la sheegay inuu balansaday, waxaana Marxuumadda klagu magacaabi jiray Xamdi Maxamed Faarax.