Abiy Axmed oo soo bandhigay qorshaha ay Itoobiya u sameysaneyso lacag cusub

0

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu uga hadlay lacag cusub oo Itoobiya ay sameyneyso.

Abiy Axmed ayaa sheegay in lagacta cusub looga baaqsan doono howlaha sharci-darrada ah iyo musuq maasuq uu sheegay in hadda uu ka jiro Itoobiya.

Naqshadda cusub ee lacagaha ayaa kala ah, 10, 50 iyo 100 Birr, waxaana sidoo kale lasoo saari doonaa baal-weynta 200 oo cusub.

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo bandhigay lacagaha cusub ee Itoobiya ay sameysaneyso.

Abiy Axmed waxa uu sheegay in la adkeeyay ammaanka lacagtan si loola dagaallamo in lasoo saaro kuwo kale oo been abuur ah.