Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabelle oo ku wajahan Baydhabo

0

Madaxweyneyaasha Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor iyo Maxamed Cabdi Waare ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Baydhabo.

Shir wadatashi ayaa la filayaa in ku yeesheen  saddexda dowlad goboleed ee kala ah Maamulada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle.

Sidoo kale shirkooda ayaa waxaa ay uga hadli doonaan shirkii Dhuusamareeb 3, kaasi oo lagu go’aamiyay nooca doorashada ee dalka ka dhici karta.