DFS Oo Sheegtay Inay Qaaday Tallaabadii Ugu Weyneyd Ee Musuq-Maasuqa

0

Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Sulaymaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladdu ay Sanadkan xoojisay la dagaallanka musuq-maasuq, taas oo kor u qaadday sumacada Dalka.

Xeer ilaaliyaha oo ka hadlayay kulan uu la qaatay bahda caddaaladda ayaa sheegay in hay’addaha caddaaladda iyo garsoorku ay yihiin kuwa la rabo inay ku dedaalaan sinnaanta, si loo dabar gooyo musuq-maasuqa aafeeyay Soomaaliya.

Dr.Sulaymaan Maxamed ayaa tilmaamay inaysan sax ahayn in Soomaaliya Sannad kasta ay kaalinta koobaad uga jirto waddamada ugu musuqa badan Adduunka, xeer-ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Sanadkan  ay sameeyeen bahda Caddaaladda la dagaalankii ugu xoogga badnaa ee dhinaca Musaqa ah.

Dhowaan ayay ahayd markii ay Maxkamadda Gobolka Banaadir xukunno kala duwan ku ridday qaar ka mid ah shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta Wasaaradaha Dowladda, kuwaas oo lagu eedeeyay musuq iyo ku takrifal awoodeed.