Dowladda Giriigga oo Karaantiil gelisay Tahriibayaal Soomaali ku jirto oo laga badbaadiyay Badda

0

Dowladda Giriigga ayaa la wareegtay Tahriibayaal gaaraya 96-ruux oo 12-kamid ah ay yihiin Soomaali, kadib markii Shan saac oo xiriir ah ay dul sabbeynayeen Xeebaha Dalkaas, maadaama cilad ay ku timid doonta.

Mid kamid ah Tahriibayaasha oo la hadashay VOA ayaa ka sheekeesay halka ay u socdeen, markabka badbaadiyay, iyo sababta keentay in doonta ay cilad soo wajahdo, saacadaha intaas la eg ay dul sabbeeyeen Biyaha Badda.

Qadra oo kamid ah Tahriibayaasha doonta saarnaa ayaa tiri “labo Carruur, hal wiil iyo sagaal Gabdhood oo Soomaali ah ayaan ku saarneen doontaan u socotay Talyaaniga, waxa aan baxnay hal saac, markii la gaaray Todobo saac cilad ayaa soo wajahday doonta, marka kor laga arko mid wanaagsan ayaa loo maleeyaa balse waa mid hoos ka burbursan, waxaana na badbaadiyay markab Shiinaha laga leeyahay oo nagu wareejiyay Giriigga”.

Doonta waxaa ka istaagay matoorka, kadib markii biyaha badda hoos kasoo galeen, waxaana istaagay safarkii ay ku guda jireen, xaalkuna waxa uu isku badalay cabsi, maadaama qof waliba uusan qiyaasi Karin waxa dhici kara.

Qadra ayaa markale sheegtay in ay maqashay dad dhintay inta lagu guda jiray badbaadintooda, inkasta oo aysan xaqiijin Karin, kaliya maqal ay ku tahay dhimashada 15-ka ruux ee tahriibayaasha ahaa.

“Doonta markii ay ciladda soo wajahday dadku waa ay istuureen, halka labo iyo tobankeena Soomaalida ah iyo saddex ruux oo kale oo aan heysan Jaakad iyo aqoon dabbaal badda aan uga gudubno, waxa aan isugu tagnay qaybta sare ee aan biyaha Badda Soo gaarin, alle mahadi waan badbaadnay oo kooxaha gurmadka ayaa nasoo gaaray” ayay tiri Qadra oo kamid ah tahriibayaasha badbaaday.

Dowladda Giriigga ayaa meel gaar ah oo lagu karaantiilayo gaysay dadkaan tahriibayaasha ah ee la badbaadiyay, marka ay dhameystaan waqtiga xili huuriska Cudurka Covid-19 ayaa la dajinayaa meelo loo qorsheeyay sida uu sheegay Guddoomiyaha Jasiiradda dhacdadan ka dhacday.

Tahriibayaasha Soomaalida qaybta ka tahay waxa la kulmaan dhibaatooyin ay ugu weyn tahay in ay naftooda ku waayaan inta ay ku guda jiraan isu gudubka biyaha u dhaxeeya dalalka ay ka tagayaan iyo kuwa ay u socdaan.