Sarkaal Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Isku Soo Dhiibay Maamulka K/Galbeed

0

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay Sarkaal sare oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaa ay soo bandhigeen Ninkaa oo magaciisa ay ku sheegeen  Maxamed Cabdi Xasan.

Waxaa sida ay sheegeen maamulka Koonfur GALBEED Soomaaliya  uu iska soo dhiibay Sarkaal kaasi Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay, waxaana ay sheegen Maamulka Degmadaasi in uu isku soo dhiibay Cidamada Daraawiishta Koonfur Golbeed ee halkaas ku sugan.

Saraakiisha Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed waxaa ay sheegeen in uu lasii goostay Sarkaalka Al-shabaab iska soo dhiibay Qoray AK47 iyo Booshkiisa, waxaana intaas ay ku dareen in ay soo dhaweeyeen Maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa au sidoo kale ay shegeen in ay jiraan dagaalamyaal kale oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo ku howlan sidii ay  mar uga soo goosan lahayen Al-shabaab.