Taliska CXD Oo War Kasoo Saaray Howlgalkii Lagula Wareegay Daarusalaam

0

Taliska Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliya ee DANAB ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal qorsheysan oo Ciidanka ka sameeyeen deegaanka Daarusalaam ee hoostega degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Dowladda ayaa howlgalka kula wareegay deegaanka Daarusalaam ee hoostega degmada Awdheegle, halkaas oo in muddo ah ku suganaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Taliyaha Guutada 16-aad Kumaandooska xoogga dalka danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaanka Daarusalaam, isla markaana halkaas ay ka wadaan howlgal miino baaris ah.

Sidoo kale Taliye Cabdimaalik Maalin oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka DANAB ay burburiyeen goob uu isku uruursanayeen Al-shabaab, ayna gacanta ku dhigeen hub iyo saanad kale, waa sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha Guutada 16-aad Kumaandooska ayaa waxaa uu sheegay in duqeyn dhinaca Cirka oo diyaarado dagaal fuliyeen lagu dilay 10 xubnood oo ka tirsan Shabaab, halka kuwo kalena  ay ku dhaawacmeen.