DHAGEYSO:-Deni iyo Axmed Madoobe oo kulan ku yeeshay Garoowe

0

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa xalay kulan hor dhac waxaa ay ku yeesheen Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3, kaasi oo halkaasi ay ku yeesheen madaxweyneyaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Madaxda ayaa maanta sidoo kale waxaa ay yeelan doonaan kulan kale, iyagoona diirada ku saari doonaan arimaha doorashooyinka.

Sidoo kale Kulanka maanta  ayaa waxaa ka qeyb geli doono  Siyaasiyiinta iyo waxgaradka  ku sugan magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.