TAABIT oo Taageeray Go’aanada Shirkii Dhuusamareeb iyo Wuxuu ku Sifeeyay

0

Hoggaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka Thaabit Cabdi Maxamed ayaa soo dhoweeyay qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3 isagoo ku tilmaamay inuu yahay mid dhiiriglin mudan.

Duqii hore ee magaalada Muqdisho waxa uu ku baaqay in qodobada heshiiska ay si wadajir ah u turxaan bixiyaan golaha sare iyo golaha shacabka.

Qodobbada Shirka Dhuusamareeb3 waxey u muuqdaan iney meesha ka saareen hubanti la’aantii doorashada, wacyiga in wax lagu qaatay iyo ugu dambeyn in tanaasul la muujiyay, waana boogaadineynaa.

Sidoo kale, waa tallaabo dhiirigalin mudan in meel dhexe la isugu yimid, shacabka Soomaaliyeedna tiro ka badan kuwii hore fursad u helaan ka qeyb qaadashada doorashada 2020/2021 iyada oo loo marayo nidaamka Xisbiyada badan.

Ugu dambeyn, waxaan ku baaqeynaa arrimaha soo socda in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhameystiro si heshiiskan hirgelintiisu u bilowdo.

1. Tirada Aqalka Sare ee 2020/2021 in lagu caddeeyo nuqulka heshiiska inuu noqon doono 67 Senator inta aan la horgeyn Golayaasha, maadama matalaaadda 13 Senator ay Banaadir si sharci ah u yeelatay.

2. In Puntland iyo Jubbaland labadaba fursad loo siiyo wixii talo ah oo ay ku biirin lahaayeen heshiiska doorasho ee Dhuusamareeb3.

3. Maamulka Doorashada 2020/2021 hadii ay maamulayaan GMDQ waa arrin wanaagsan balse u baahan tallo-loo dhanyahay si aan loo siyaasadeyn go’aannada iyo qorshooyinkooda.

4. In heshiiska doorasho ay labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliyeed wadajir u turxaan bixiyaan, gaar ahaan meelaha u baahan kabidda una ansixiyaan.