Puntland Oo Shaacisay Dad Cusub Oo Laga Helay Cudurka COVID-19

0

Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay Dad Cusub oo laga helay Cudurka halista ah ee COVID-19, xili Cudurka uu kasii yaraanayo gudaha dalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in saacadihii lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 60 qof, isla markaana Cudurka laga helay 7 qof oo kamid ah dadkaas, kadib markii baaritaano kala duwan lagu sameeyay.

Dadka laga helay Cudurka ayaa waxaa ay da’dooda u dhexeeysaa 27 sano jir ilaa 40 jir, kuwaasi oo dhamaantood ku sugan yihiin Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, waxaana 24-saac ee lasoo dhaafay Cudurka ka bogsaday hal qof.

Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay deegaanada Puntland ee shaybaarku xaqiijiyey ayaa haatan gaartay 400 qof, waxaana Cudurka COVID-19 halkaas ugu dhintay 9 qof, iyadoona ka bogsadatay 204.