Duqa Muqdisho oo sheegay in dalka ay dhacayso doorasho qof iyo cod ah

0

Cumar Maxamuud Maxamed Filish guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in ay u diyaarsanyihiin in gobolka banaadir ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, taasi oo badalkeeda ay kasoo horjeedaan doorashooyinka dad banayd ee 2016ka lagu soo doortay dowladda hadda dalka ka arrimisa.

Dhallinyarada soomaaliyeed ayuu ku booriyay in ay ka qeyb qaataan doorashada qof iyo codka ee la doonayo in dalka ay ka dhacdo si ay u helaan doorkooda siyaasadeed ee dalka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay  in dowladda federaalka ay udiyaaraantahay in dhallinyarada soomaaliyeed ay siiyaan doorkooda kaga aadan dib u dhiska dalka.

Shaki weyn ayaa laga muujinayaa in nooca doorasho ee dalka ka dhici karta marka laga gaaro sanadka 2021-ka.