Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Puntland oo ku dhintay dagaal ka dhacay Gaalkacyo

0

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Puntland G/sare Cusmaan Cumar Maxamed uu ku dhintay dagaal ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay kaddib markii howlgal ay sameeyeen Ciidamada Madaxtooyada Puntland ay ku qaadeen Warshada Kabista Gaalkacyo oo ay heysteen Maleeshiyo hubeysan.

Wararka ayaa intaa ku daraya Ciidamada Madaxtooyada ay saaka dagaal kula wareegeen Warshada ay heysteen Maleeshiyada hubeysan.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo ku sugnaa Madaxweynaha Puntland, iyadoo howlgallo amniga lagu sugayay uu ka socday magaalada.