Puntland oo heshiis dhex-dhigtay Maleeshiyaad dagaalamay

0

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Deeganka Cowsane oo Ka tirsan Gobolka Sanaag kaga qeybgalay soo Afjarida Colaaddii ka taagneed Degaanka Cowsane taas oo u dhaxeeysay laba maleeshiyo Beelood.

Qeybaha kala duwan ee Bulshada gobolka Sanaag, Odayaasha Dhaqanka labada maleeshiyo Beeleed iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa madasha lagu heshiisiiyay labada Beelood.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa u mahad celiyay cid kasta oo ka qeyb qaadatay nabadeynta labada beelood,sida Odayaasha Dhaqanka, Madaxweynaha Puntland, qeybaha Bulshada degaanka Cowsane iyo Ciidamada Puntland,isaga oo labada Beelood ugu baaqay inay nabad ku wada noolaadaan.

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in Ciidamada dhawaan la geeyay degaanka Cowsweyne looga baahan yahay inay sameeyaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab & Daaish oo ku sugan dhulka Beeraleyda ah ee Gobolka Sanaag,iyaguna ay balan qaadayaan inay ku taageeraan.

Degaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay dagaal Beeleedyo soo laab laabtay,kuwaas oo u dhaxeeyay laba Maleeshiyo beeleed,waxaana dhowr jeer fashilmay kulamo la doonayay in xal looga gaaro dagaal Beeleedyada.