DHAGEYSO:-Xildhibaanada BF ee gobollada waqooyi oo cambaareyn u jeediyey xukuumadda Somaliland

0

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ay deegaan doorashadoodu tahay gobollada Sool, Sanaag iyo Awdal ee waqooyiga Soomaaliya ayaa waxay war-murtiyeed ka soo saareen kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadu waxay sheegeen in kulankooda ay uga wadahadleen xaaladda guud ee gobolladaas, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga iyo deeqaha, waxayna ku muujiyeen inay ka soo hor jeedaan gooni isu-taagga Somaliland, iyagoo xukuumadda Somaliland ku cambaareeyey caburin ay sheegeen inay ku heyso xoriyadda hadalka.

Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur ayaa warbaahinta u akhriyey seddax qodob oo ku xusan war-saxaafadeedka xildhibaanadaas.