Jubbaland oo sharci darro ku tilmaamay ansixintii Golaha Adeegga Garsoorka

0

Maamulka Jubbaland ayaa ka hor-yimid ansixintii Golaha Wasiirada ee Golaha Adeegga Garsoorka iyo Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed, iyagoo ku tilmaamay hannaanka loo maray ansixintaas ay tahay mid aan sharci aheyn.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in xilligan aanay habbooneyn ansixinta Guddiyadan, maadaama Golaha Wasiirada ay yihiin kuwo xilka sii haya.

Waxaa uu sheegay in Golaha Adeegga Garsoorka uu yahay mid muhiim ah u dalka, balse haatan dad gaar ah loo soo xulay, iyadoo aan lala tashan dhinacyadii qaabilsanaa, sida Maxkamadda sare, ururada qareenada Soomaaliyeed iyo bulshada rayidka.

Ugu dambeyn Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka dalbaday Golaha Shacabka inay ka fiirsadaan guddiyada ay soo ansixiyaan Golaha Wasiirada xilka sii haya.