Boqolaal ruux oo dibad bax ka dhigay dalka Thailand

0

Dalka Thailand waxaa ka dhacay dibad bax looga soo horjeedo dowladda wadankaasi sigaar ah boqorka. Dad u hadlay dibad baxyaasha ayaa sheegay in ay kasoo hor jeedaan ficilada dowladda iyo amarada uu boqor “Maha” bixiyo kuwaas oo ay ku tilmaameen ku tagrifal awoodeed ay ku dheehan tahay.

Dibad baxyaasha ayaana ku dhawaaqayay hadalo ay kaga soo horjeedaan dowladda milatariga.

Qareen lagu magacaabo Anon Nampa oo 34, sano jir ah ayaa dowladda ku eedeeyay in ay sara u qaaday ku tagrifalka awoodeed iyo ku tumashada Dimoqoraadiyada.