Madaxweyne Deni oo dhagax dhigay dhismaha waddooyinka Nabadda ee Gaalkacyo

0

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa maanta dhagax dhigay wejiga labaad ee Mashruuca dhismaha waddooyinka Nabadda ee isku xira Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo.

Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyey sida Mas’uuliyiinta labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ay uga wada shaqeeyeen hirgelinta wadooyinkan laamiga ah ee isku xiraya labada dhinac ee magaaladda.

Sidoo kale waxaa uu u mahadceliyay Hay’adda SSF (Somali Stability Fund) ee fadhigeedu yahay Puntland oo kala shaqeysay mashruucan Dowladdaha Hoose ee labada dhinac Puntland iyo Galmudug.

Dhagax dhiga wejiga labaad ee Wadooyinka Nabadda Gaalkacyo, oo maanta ka dhacay Jidka 30ka ee isku xira xaafadaha Wadajir iyo Garsoor, waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Wafdi ka socda Galmudug oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Axmed Macalim Fiqi, Goleyaasha Dowladda Puntland ee ku sugan Gaalkacyo, Guddoomiyeyaasha degmada ee Puntland iyo Galmudug, Saraakiisha Ciidamada ee labada dhinac iyo Madaxda Shirkadaha Kabero iyo Alxayaad oo iyagu fulinaya dhismaha.