Duulimaadyada caalamiga ah oo maanta dib u bilaabanaya

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in maanta dib lay u bilaaban doonaan duulimaadyada caalamiga, iyadoo la ilaalinaya sharuucda caafimaadka.

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay inay sameeyeen shuruuc lagu hagayo dadka safrayo si loo adkeeyo dadaalada lagu xakameynayo cudurka Coroonavirus

28 bishii Maarso ee sanadkaan 2020 ayay aheyd markii la hakiyay diyaaraha isaga kala goosha gudaha dalka iyo kuwa dibada  si looga hortago faafidda cudurka safmarka ah ee COVID-19