Ururrada Bulshada Rayidka ah oo sharci darro ku tilmaamay tallaabooyin ay qaadeen G/Wasiirrada

0

War-saxaafadeed ka soo baxay ururada Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliyeed ayaa dhaliil weyn looga muujiyey magacaabistii ay Khamiistii lasoo dhaafay sameeyeen golaha Soomaaliya, kuwaas oo ay tilmaameen in dhamaantood ay yihiin ku simeyaal kalsoonidii lagala noqday.

Qoraalka Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa lagu sheegay in golaha wasiirrada ee xukuumaddii dhacday aysan awood u lahayn inay magacaabis sameeyaan, isla markaana wixii ay magacaabaan aysan sharciga waafaqsaneyn.

Qoraalkan waxaa lagu xusay in goluhu uusan heysan wax sharciyad ama kalsooni baarlamaan ah, sidaas darteedna waxay magacaabeen ay sharci darro yihiin.

Golaha Adeega Garsoorka iyo hay’adda Batroolka Soomaaliya, oo ay Khamiistii lasoo dhaafay magacaabeen golaha wasiirrada Soomaaliyey ayaa lagu sheegay qaoraalkan in aysan sharci ku dhisneyn.

Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa soo jeediyey in soo macaabista golaha Adeegga Garsoorka iyo  hey’adda Batroolka dalka lagu sugo xukuumad cusub oo kalsooni ka heysata baarlamaanka Soomaaliya.