Madaxweyne Qoor Qoor oo soo magacaabay xubnaha ku meteli doona guddiga farsamo

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa magacaabay xubnaha maamulkiisa ku meteli doona guddiga farsamo ee ka kala socda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, ee kasoo talo-bixinaya hannaanka doorashooyinka dalka.

Xubnaha Galmudug meteli doona ee uu magacaabay madaxweyne Qoor Qoor ayaa kala ah, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) iyo Kamaal Daahir Xasan Guutaale oo ka mid ah hoggaanka xisbiga Wadajir.

Dowladda federaalka, maamulka gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada kala Puntland, Jubbaland, Hir-Shabelle, ayaa horay u soo magacaabay xubnaha ku meteli doona guddiga farsamo ee kasoo talo-bixinaya hannaanka doorashooyinka dalka.

Dowladda federaalka ayaa waxaa meteli doona, Salaax Axmed Jaamac wasiirka dastuurka, Cabdi Cali Raage oo ka tirsan xafiiska madaxweynaha, Caadil Sheegow Sagaar oo isna ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha iyo Cabdirahman Mucawiye Sheekh lbraahim, oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul wasaaraha. Halka  ay maamulka gobolka Banaadir meteli doonan Sahra Cali Xassan (Daatush), iyo Cabdulqaadir Muxiyadiin Axmed (Dalxa).

Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ay guddigaas ku meteli doonaan Maxamed Cali Caadle, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowldaha hoose ee Hir-shabeelle, iyo Cabdul Maxamed Faarax Makaraan, oo ah madaxa xafiiska amniga Hir-Shabeelle.

Dowlad goboleedka Puntland waxaa guddigaas ku meteli doona Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland iyo Cabdiweli Cali Cabdulle, oo ah Agaasime Ku-xigeenka guud ee Madaxtooyada Puntland.

Halka dowlad goboleedka Jubbaland waxaa guddigaas ku meteli doona Xirsi Jaamac Gaanni, oo ah Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland iyo Xamze Cabdi Barre,  oo ah gudoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Jubbaland.