AKHRISO:-Duq Cusub Oo Loo Magacaabay Magaalada Baladweyne

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose ee Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilka qaadis ku sameeyay Duqii Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, isagoo Duq Cusubna Magacaabay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Caadle ayaa waxaa xilka Duqa Cusub ee Baladweyne loogu Magacaabay Nadar Tabaax Maalin, waxaana xilkaas horey u haayay oo  laga qaaday Safiya Xasan Jimcaale.

Dhamaan Hay’addaha amniga Baladweyne, kuwa Gobolka iyo shacabka ayaa waxaa la faray inay la shqeeyaan Mas’uulka Cusub ee loo Magacaabay Duqa Baladweyne, si uu u guto waajibaadkiisa shaqo.

Duqii hore ee Baladweyne Safiya Xasan Sheekh Cali Jimcaale ayaa mar soo noqotay Guddoomiyaha degmada Shibis ee Gobolkan Banaadir, waxaana xilka Duqa Magaaldaas loo magacaabay 27-ka bishii 5-aad ee sanadkii tegay ee 2019.