Sidee Maanta Looga Ciiday Magaalada Muqdisho?

0

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa si weynn looga dareemayaa maalinta Koowaad e Ciidul Adxada, waxaana la arkayaa dad weyne farabadan oo u dabbaal dagaya farxadda Ciidda.

Waddooyinka waa weyn ayaa lagu arkayaa haween, Carruur iyo qaybaha kale ee bulshada oo u dabbaal dagaya farxadda Ciidda, waxaana wajiyadooda laga dheehan karaa sida ay ugu faraxsan yihiin Maalinta koowaad ee Ciidul Adxa oo maanta ku beegan.

Inkastoo ciidani ay wax badan ka duwan tahay ciidihii hore haddana bulshado waxaa ka muuqato saameynta farxadeed ee Ciidda.

Carruurta ayaa la arkayaa iyaga oo ku ciyaaraya qalabka loogu tala galay maalmaha farxadda oo inta badan ay carruur ku ciyaaraan, sidoo kale xaafadaha ayaa sida caadiga ahaa waxaa lagu qalayaa xoolaha maaddaama ciiddani ay tahay ciiddii Hillibka.

Si kastaba caabuqa Covid19 ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dhammaan dunida, waxana dunida Islaamka laga dareemayaa saameynta uu ku yeeshay maalaha ciidda, iyadoo la yarayn doono booqashada badan ee inta badan bulshada sameeyaan maalmaha Ciidda.